HOME


Waxyaalaha buugan ku jira


Buugan MASIIXA waxaa laga turjumay luuqadda Ingiriiska oo ahaa buug uu qoray L. M. Abdlallah. Wuxuu u fasaxay idaacadda CODKA WADADA NABADA inay turjunto. Turjumaaddan Soomaaliga ah waxaa xaq kasta u leh CODKA WADADA NABADA.
Wax alla wixii su’aal, codsi, talla ama cabasho ah waxaad kala soo xiriiri kartaa cinwaanka boostada 76001 -  00508 Nairobi Kenya; emaylkana waa cwn@alphanet.co.ke ama cwn@email.ro
© 2003 L. M. Abdalla iyo CWN

Axmed iyo Xamdi

Axmed wuxuu ka shaqaynayay cafis. Ma sheegi karno inuu shaqadiisa ku faraxsanaa iyo in kale laakiin waxaan ognahay oo keliya inuu la shaqayn waayay sargaalkiisa. Wuxuu ahaa nin u arkay in Axmed iskiisa shaqo u qaban karin. Isla markii qaybta xafiiskaas loo xil saaray shaqo adag, ninkii madaxa u ahaa wuxuu  xil iska saaray in wax alla wuxuu Axmed saameeyo uu kor mar ku suubiyo.

  Hal mar ka badan ayuu Axmed isku deyay inuu shaqada bedesho, laakiin way adkayd si shaqo loo helo, wayna adkayd si mid shaqadas ka wanaagsayd loo helo. Tan ka sokow mushaarkiisa wuu ka badnaa kan la siiyo kuwa shaqooyinka kale laga helo, oo sidaas daraadeed Axmed kama uu tegin shirkaddas. Lacagta ayaa ahayd waxa muhimka ah waayo, wuxuu doonayay in kufilan inuu ku dhaqaalayo xaaskiisa iyo saddexdiisa cunug. Axmed aad buu ugu faraxsanaa ilmahiisa, weliba curudkiisa oo lagu magacaabo Xassan, oo dugsiga sare farsamo injineer ka baranayay.

  Maalin arin baa dhacday oo ahayd tan u bedeshay xaalada meesha shaqada wanaag. Oo Xamdi ayaa ku soo beeray qaybtii uu Axmed ka shaqaynayay. Xamdi oo in yar Axmed ka yaraa, markasta wuxuu lahaa niyad furan, oo wuxuu ahaa mid faraxsan oo na lala shaqayn karo. Waxay bilaabeen inay isla qadayaan oo ay weeliba kulmaan galab kasta. Xamdina wuxuu ahaa nin guursaday oo weliba Ilaah wuxuu isaga ku barakadayay afar cunug oo qurquruxsan, laba gabdhood iyo laba wiil. Axmed iyo Xamdi waxay noqdeen saaxibo iisu fiican oo guryahooday isku booqan jireen. Way jaclayeen inay wada fadhiistaan oo ay koob shah ah ku sheekeystaan. Saacadda si dhaqso ah bay u socon jirtay kabadan mudaday u baahnayeen inay ku sheekeystaan, oo wax kasta ayay ka hadli jireen.

  Ugu horeynta waxay ka sheekeysan jireen shaqada xafiiska laakiin siduu wakhtiga u socday waxay bilaabeen inay ka sheekeystaan su'aalo noloshooda qaabilsan. Kuligood Axmed iyo Xamdiba waxay ahaayeen dad diini ah laakiin isku iimaan ma ahayn. Axmed wuxuu ahaa Muslin, saaxibkiisa dhabta ahaa, Xamdi, Baybalkuu akhrinayay mar walba oo wuxuu ahaa xerta Masiixa (Al-Masih).

  Waxa Axmed aad uga yaabiyay waxay ahayd in intuu Xamdi sii baranayay, uu xishmaynayay iimaankiisa iyo xiriirkuu Ilaah la leeyahay. Axmed wuxuu aqoonsaday in saaxibkiis uu ku faraxsanyahay xiriirka uu Ilaah la lahaa, waxay ahayd wax uu weligiis dareemin, tanna waxay isaga ku dhalisay inuu wax ka sii ogaado. Axmed wuxuu u malayay in nolosha Xamdi uu Ilaah la leyahay ay ku salaysantahay Masiixa. Siba, Axmedna wuu aaminsanaa Masiixa, in kasta oo ay ahayn sida uu Xamdi u aaminsanaa.  Wuxuu aaminsanaa wax kasta oo Qur'aanka ku qoran oo ku saabsan Masiixa, Wiilka Maryan (Aisa Abn Mariam) oo aad buu Masiixa u xishmaynayay. Wuxuu ogaa in Masiixa uu ka dhashay Maryam oo bikrad ah. (Maryam Al-Athra), wuuna rumaysnaa inuu suubiyay muucjisooyin badan isagoo rumaysadka Ilaah ku samaynaya uuna saa Injiilka kaga helay (Al-Injiil)xagga Ilaah. Isla markaasna Axmed wuxuu fahmay inuu wax yar ka ogaa nolosha Msiixa, oo doonistiisa way sii weynaatay inuu ogaado wax dheeraad ah oo ku saabsan rasuulkaan (rosol), kan la siiyay magacyo badan, xaata haddii la akhriyo Qur'aanka waa laga helayaa magacyadaas.

  Ugu dambaysti Axmedoo doonayo inuu wax dheeraad ah sii ogaado, wuxuu goostay inuu saaxibkis weydiyo wax ku saabsan Masiixa. Oo go'ankas wuxuu keenay wada hadalo badan oo macna leh. 

 

Wanka Ilaah

"I sheeg wax kusaabsan Ciise, Wiilka Maryam," Axmed ayaa si degan ku codsaday. "Runti waxaan doonaya wax dheraad ah oo kusaabsan isaga."

  Xamdi wuu yara fikiray dabadeedna wuxuu yidhi, "Haddaad doonaysid inaad ogaatid sababta uu Masiixa dunida u yimid waxay kuugu qasbaysa inaad horta ogaatid macnaha huraadka. Huraad aa? maxaad kawadaa huraad? Wuu yaabay Axmed. Xamdi wuu sii hadlay, "Waxaan macnaha huraadka ka heleynaa Id Al-Atha (alla bariga huraadka). Ma ogtahay markuu Ilaah weydiyay Ibrahim (Sayedna Ibraahim) inuu wiilkiisa huro. Maxaa dhici lahaa hadduu Ilaah (Allah) u bixin lahayn huraadka sida madaxfurashada (fida) isaga? "Ismail ayaa dhiman lahaa" ayuu ku jawaabay Axmed. "Taa ayaa ah macnaha huraadka" ayuu yidhi Xamdi. "Qof ayaa qof kale meeshiisa dhimanaya. Ilaah wuxuu soo diray wan, kaa oo loo huray meeshiisa. Anigana waxaan taaganahay isla meeshii wiilka Ibraahim. Waxaan hoos joogaa awoodda dhimashada," Ayuu yidhi Xamdi. "War maxaad sheegeysaa?" Ayuu yidhi Axmed, isagoo isku yara dardarsamay. Xamdi ayaa si kulul ku jawaabay oo yidhi, "Waxay ku qorantahay Kitaabka (Injiilika ah):

 'Waayo mushaarka dembiga waa dhimasho! (Rooma 6:23)  (1)

  "Mushaarka dembigayga waa dhimasho. Anigu waxaan ahay dembiile. Haa, kuwa kale waxay ii arkaan nin diini ah. Waxaan maalin walba u tukadaa Ilaah, Waxaan akhristaa buugiisa oo isagaan u adeegaa. Laakiin Ilaah hortiisa aniga waxaan ku ahay dembiile. Ma jiraa qof qoduus ah Ilaah ka sokow? ayuu weydiyay Xamdi. "Maya" ayuu ku jawaabay Axmed. "Ma jiro qof kale Ilaah mooyaane" Saa darteed Ilaah hortiisa kuligeenba waxaanu wada nahay dembiilayaal, soo ma nihin?" ayuu weydiyay Xamdi.

  Axmedna wuu ogolaaday oo wuxuu yidhi, "haa, taas waa run." Oo saa darteed anigu waxaan kujira isla xaaladdii wiilka Ibraahim, awooda dhimashad hoosteeda. Laakiin aaway huraadka dembiyadayda? So Ilaah ma uu soo dirin huraad madaxfurasho ah?" Ayuu weydiyay Xamdi. Axmed ma uu ogayn si uu su'aashas uga jawaabo. Xamdina wuu sii hadlay, "Yooxanaa Babtiisaha (Yahya Abn Zakaria) wuxuu nolaa wakhtigii Masiixa. Marka ugu horeysay uu Masiixa arkay wuxuu yidhi,

"Bal eega wanka Ilaan ee dembiga dunida qaadaya" (Yooxanaa 1:29)  (2)

  "Masiixa ma ahayn wanka dadka. Wuxuu ka yimid xagga Ilaah. Wuxuu ka yimid kor. Ruuxa Ilaah (Roh allah) ayaa huwiyay Maryamtii bikrada ahayd. Way uraysatay oo waxay dhashay wiil. Sidaad u ogtahayba, magaciisu waa Ciise, wiilka Maryam, erayga Ilaah, (kalimat Allah) iyo Ruuxa Ilaah (Roh Allah). Isagu wuxuu ahaa asli. Oo wuxuu jannada uga yimid sida wanka Ilaah waayo, wuxuu Ilaah hortiisa ku noolaa nolol sax ah. Ma jirin mar uu weligiis u baahnaa inuu yidhaahdo 'waxaan Ilaaha weyn weydisanayaa dembidhaaf (astaghter Allah Al-Azim)' Waayo, wuxuu ahaa wanka Ilaah . Laakiin maadama uu u yimid sida wanka Ilaah inuu qaado dembiga dunida, waxaa ku qasbanaatay inuu huraad noqdo. Tan waxay dhacday markuu iskiisa noloshiisa ku bixiyay dhimashada. Wuu ka soo sara kacay dhimashada oo wuxuu jannada u kacay isagoo nool. Wuuna soo noqon doonaa.

  Xamdi in mudo ah wuu aamusnaa oo wuxuu fiiriyay Axmed oo wuxuu yidhi, "Waxaan ku jiraa xaaladdii wiilka Ibraahim. Oo waxaan hoos joogaa awooda dhimashada. Laakiin waxaa jira huraad aan dembigayga uga helayo Masiixa, Wanka asliga ah ee Ilaah. Haatan, Ilaah wankiisu dembi dhaaf ugu bixinayaa dembiyadeena oo dhan iyo nolol weligeed ah xagga jannada. Masiixa wuxuu qaatay dembiga dunida oo dhan, oo ay taadana ku jirto Axmedow."

  Axmed mudo dheer ayuu aamusnaa, isagoo fikiraayo, kadibna wuxuu yidhi, "Haddii uu Masiixa qaaday dembiga dunida oo dhan, de uma arko inaan dhiman doono...maxaa yeelay, durbaba nolosha weligeed ah waan haystaa."

  Xamdi ayaa u jawaabay oo ku yidhi, "Axmedow, bal kaba soo qaad waa maalintii dhalashadaada xusuuskeeda oo Masiixina wuxuu kuu keenay hadiyad oo wuxuu garaacay albaabkaada. Oo wuxuu kuugu leeyahay, 'Axmedow waxaan kuu keenay hadiyad-dembi dhaafka dembiyadaada oo dhan, nolosha weligeed ah iyo jiri, xiriirkkaada iyo Ilaah maantuu bilaabanaya. Laakiin waxaa jiraan amaro. Waa inaad horta dembiyadaada ka soo noqotaa, adigoo qiranaysid dembigaada, oo ku qaado dembidhaaf huraadka aan kuu bixiyay. Haddaad hadiyada heshid waa taada, oo ma jirto si kale."

  Axmed wuu ka fikiray arintaas. Wuu isku dardarmay oo ma uu ogayn wuxuu ku hadlo.

"Waxaa lagayaabaa inaad taa umalaysid tusaalaha ugu sareyso," ayuu yidhi Xamdi, "Laakiin markasta kan Ilaah u adeego wuxuu jidka Ilaah dadka ugu tusaaleyaa Masiixa, waa sida Ciisaha sara kacay oo nool, wiilka Maryam runti albaabkayagu garaacaya. Wuxuu Kitaabka ku leeyahay:

  "Bal eega, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn." (Muujintii 3:20) (3)

  Xamdi wuxuu ku daray, "Haddii aan iridayda Masiixa u furo oo aan ku soo dhoweyo noloshayda inuu jebiyo rotigayga uuna jaalnimo ila yeeshto, waa isla sidaas markaan hadiyadda Ilaah heleyno, hadiyad uu Ilaah doonayo inuu qof kasta siiyo."

  Xamdiyow, waxaan doonaya inaad ogaatid in wixii aad igala qaybsatay Masiixa ay aad i taabatay. Waxaan u baahanahay mudo aan wada hadalkeena uga sii fikiro. Laakiin waxaan doonaya inaan maqlo wax badan oo masiixa kusaabsan marka dambe aan wada kulmi doono.

"Nabadi ha kula jirto" (Asalamu Caleykum)

"Adiguna nabad hakula jirto" (Caleykumu Salaam)

 

Erayga Ilaah

"Waxaad i sheegtay markaan wada joognay oo kusaabsanaa Ciise, wiilkii Maryam waxay igu dhalisay waxyaalo badan oo aan ka fikiro" Ayuu ku bilaabay Axmed, isagoo yara fikirayo. "Waxaan u malaynaya inaad ka xumaani doonin, laakiin waxaan qabaa su'aalo badan oo aan doonayo inaad ii jaraabtid ka hore intaanan bilaabin wada hadalkeena kusaabsan Masiixa." Waa yahay, fadlan weydii, ayuu ugu jawaabay Xamdi isagoo xaqiida wuxuu Axmed weydin doono ogeyn.

  Haddana Axmed wuxuu yidhi, "Waad ogtahay inaga hadaanu nahay Muslimiin, inaan aamisanahay kitaabada Ilaah ku soo dejiyey nebiyada sida-Al- tawrah (shanta buug ee uu Muuse qoray), Al-Zabor (Sabuurrada nebi Da'uud), Al-Injiil (Injiilka Ciise Masiix) iyo Suxufta kale ee nebiyada. Laakiin waxaa kale oo la i baray wax aan Qur'aanka ka ahayn oo dhan inay been abuureen Yuhuuda iyo Masixiinta, si aad weligaa u aaminin waxa ku dhex qoran. Sidaa daraadeed Baybalka aad aaminsan tihiin, run iyo beenba way isku qasan tahay.

  "Miyaad sheegi kartaa cadayn taarikheed oo aad ku taageeri kartoarintan?” Ayuu xamdi weydiiyey.  Axmed wuu yara fikiray laakiin si la yaab leh ayuu ku gartay inuu weligiis maqlin cadayn taarikheed oo uu arintas ku xoojin karo laakiin waa uun eedayn aan asal lahayn ee ay dadku iska yidhaahdaan.

  Xamdi ayaa sii hadlay, "Miyaad ii sheegi kartaa markay eedaytaan aan salka lahayn ku  bilaabatay iyo sababta ku kaliftay in la suubiyo.?" "Maya, ma sheegi kari" ayuu yidhi Axmed isagoo isku yar naxsan. "Ma jiro weligiis nin jawaabta arintaan muhimka ah i siiyay."

  Mudo yar kadib Xamdi wuxuu weydiyay "miyaad u malaysaa inay suurtowdo in Qur'aanka la khilaafo?" Astaghfer Allah (Ilaah baan dembi dhaaf ka weydisanayaa) ayuu yidhi Axmed. Taas waa mid aan suurta gal ahayn. Oo rumaystayaasha uma ogolaanayaan inuu qof xaata isku deyo arintaas."

  Xamdi ayaa u jawaabay, "Maxaad u malaynaysaa sababta aan Kitaabka si qaas ah uga fikirayno? Sidee baad xaata ugu malayn kartaa in rumaystayaasha runta ah ay u ogolaani lahaayeen inuu qof bedelo qoraalada qoduuska ah oo uu hagaajiyo Baybal qaldan? Waxaan rumaysanahay Ilaaha uumay samada iyo dhulka, Ilaaha ah kan wax kasta yaqano oona weyn, kan bani-aadmiga siiyay eraygiisa inuu awoodo inuu ka ilaaliyo eraygiisa khilaafaad kastoo lagu samayn karo."

  Isagoo aad Axmed indhaha uga hayo ayuu Xamdi yidhi, "Axmedow, ma aminsantahay in wax kastoo dhaca ay ku dhacan amarka Ilaah?" "Haa, waan rumaysanahay" ayuu ku jawaabay Axmed.

  Xamdi ayaa sii hadlay, "runtii miyaad rumaysantahay in Ilaah ugu horeynta eraygiisa dunida siinayo oo haddana uu ogolaanayo in la qilaafo, ama miyuu Ilaah lahayn awood uu eraygiisa uga difaaco bedbedelaada?"

  "Haa, runtii Ilaah wuu leeyahay awoodda uu ku difaaci karo eraygiisa si aan loo khilaafin?" ayuu ku jawaabay Axmed.

  "Axmedow, miyaad ogtahay in Kitaabka uu yahay buug la yaab leh? Waxaa la qoray ku dhowaan 1,400 oo sanadood ka hore. Oo waxaa ku jira Al-Tawrah (Shanta buug oo Kitaabka ugu horeysa uu Muuse qoray) iyo buugag kale oo badan oo ay qoreen rasuulladii (Rasol) iyo nabiyada (anbia), Al-Zabor (Sabuurrada) Al-Injiil (Injiilka). Kitaabka wuxuu u kala qaybsanyahay laba qaybood: Axdigii Hore, taas oo qorayso wakhtigii uu Masiixa dhashay wixii ka horeyay iyo Axdiga Cusub, taas oo ka bilaabanayso wakhtigii uu Masiixa dunida yimid. Kitaabka waxaa lagu qoray saddex luuqadood oo kala duwan.

  "Luuqadahaan waa kuwee?" ayuu weydiyay Axmed oo yaaban.

  "Waxaa lagu qoray Cibraaniga, Caraamiga iyo Griigga" ayuu ku jawaabay Xamdi. "Ilaah wuxuu istecmaalay dad kala duwan markuu eraygiisa na siinayay. Qaarkood waxay ahaayeen boqora ama kuwa dowlada madax u ahaayeen, qaarna waxay ahaayeen erijidh ama kaluunsato. Kitaabka waa muucjiso ka timid xagga Ilaah, maxaa yeelay, in kastoo ay ka soo wareegatay wakhti badan iyo weliba in dad kala duwan ay qoreen, buuga oo dhan wuxuu iisu haystaa kamilnan la yaab leh. Waxaa jirtaa hal duluc oo Kitaabka oo dhan uu ka sheekeynayo, oo dulicdaasi waa Masiixa (Al-Masih)", Axmedow

  "Ma dhab-baa in Ilaah uu Masiixa ka hadlay mudo gaareyso kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor? " ayuu yidhi Axmed isaga oo yaaban.

  "Axmedow," ayuu yidhi Xamdi oo qoslaayo, Ilaah wuu ka hadlay wax kusaabsan Masiixa taarikhda oo dhan ilaa maanta."

  "Taas runtii ma suurta gal baa?" ayuu yidhi Axmed uu shaki ka buuxo.

 "Haa, runtii way suurtowda, maxaa yeelay, Ilaah wax kasta way ka suurtowbaan," ayuu ku jawaabay Xamdi, "laakiin taas waxaan ka hadli karnaa marka dambe aan wada kulmi doono"

  "Aad baan u jeclahay inaan arintaas uga hadalno," ayuu yidhi Axmed. 

"Al-salamo Aleykom" (Nabadi ha kula jirto)

"Aleykom al-salaam" (adna ha kula jirto)

 

 

Waaqdhaca Ilaah

  Axmed wuxuu yidhi "aad baan u rabaa inaan ogaado siduu Masiixa u yahay dulucda ku dhex socotoKitaabka oo dhan."

  "Miyaad xusuusataa markaan ka hadalnay in Masiixa uu yahay wanka Ilaah kan qadaya dembiyadeena?" ayuu weydiyay Xamdi.

  "Haa waan xusuustaa," ayuu ku jawaabay Axmed. "sidee baan u ilowbi karaa taas."

  "Ilaah wuxuu dadka barayay huraadka wax kusaabsan taarikhda oo dhan ilaa wakhtigii Ciise, wiilkii Mrian," ayuu yidhi Xamdi.

  “Sidee bay taa ku dhacday?” ayuu weydiyey Axmed.

  “Meqaa ruux ayaa aduunka ku noolayd wakhtigii Qaabiil iyo Haabiil ?” ayuu weydiyey Xamdi.

  Axmedna wuu yara fikiray oo wuxuu ku jawaabay, “Afar, Aadan, Xaawo, Qaabiil iyo Haabiil.”

  “Afar ruux keliya,” ayuu yidhi Xamdi oo weliba way ogaayeen inay Ilaah ku caabudaayeem huraad. Sidee bay saa ku ogaadeen?” ayuu weydiyay Xamdi oo wuu sii hadlay, Maxaa yeelay, Ilaah waa qoduus waana asli, laakiin bani-aadmiga waa dembiilayaal oo waxay u baahanyihiin madaxfurasho dembiyadooda loogu madaxfuro. Nebi Nuux (Sayedna Noh) wuxuu Ilaah ku caabuday huraad. Ibraahim (Sayedna Ibraahim) wuxuu Ilaah ku caabudayay huraad. Muuse(Sayedna Mosa), Da’uud (Sayedna dawoud) iyo rasuulladi iyo nabiyadii oo dhan waxay Ilaah ku caabudayenn huraad.” Oo weliba Xamdi wuxuu ku sii daray “Aniguna isla sidaa baan Ilaah ku caabudaa sida ay rasuulladii iyo nabiyada ku caabudeen.

  “Maya, haatan waad ciyaraysa. Ma aadid suuqa oo ma soo iibsatied idaalay inaad Ilaah u hurtid,” ayuu yidhi Axmed isagoo wejigiisa oo dhan farxad ka muuqato.

  “Waxaan Ilaah ku caabudaa Masiixa, wanka Ilaah, kan dembiyadayda qaaday markii huraad loo bixiyay,” ayuu ku jawaabay Xamdi. “Waxay ku qorantahay buuga qoduuska ah (Kitaabka). 

Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah, oo naftiisii dadka oo dhan furasho u bixiyay, oo wakhtigiisii qummanaa oo markhaati furay. (1 Timoteyos 2:5-6) (1)  

“Waxaa jira hal Ilaah iyo hal dhexdhexaadiye, oo noo dhexeeyo inaga iyo Ilaah, Masiixa, kan iisu bixiyay furasho ahaan (fida) dadka oo dhan aawadood, iyo weliba adiguba Axmedow. Bilowgii taarikhda iyo inta dhexdooda, dadka waxay Ilaah ku caabudayeen huraad.”

“Waxaan umalaynayaa inaan fahmayo macnaha waxaad sheegeysid, laakiin waa inaad yara si dheeraad ah u sii macnaysid si aan qumaati macnaha guud u fahmo,” ayuu yidhi Axmed isagoo si buuxda uga fikiraya.

Wax yar kadib Xamdi ayaa jawaabay, Ilaah wuu muujiyay macnaha iyo ujeeda waaqdhaca oo wuxuu ku muujiyay taarikhda, weliba Muuse qoraalkiisii sharciga. Isku aruurinta wax baridda sharciga (Al-sharia) kusaabsan macnaha waaqdhacda inay tahay madaxfurashada dembiga. Oo waxay ku cadahay erayada qoraalkan soo socda:

“Runti, sharciga wuxuu u baahanyahay in wax kasta dhiig lagu miidho, oo haddaan dhiig ladaadin ma jiro dembi dhaaf! (Cibraaniyada 9:22) (2)

“Laakiin dhamaan wax baridaan ku saabsan waaqdhaca maxaa ka qusaya Ciise Wiilka Maryam?” Oo wuu yaabay Axmed. “Waa yahay” ayuu yidhi Xamdi, waa jiraan waxyaalo kale oo la mid ah oo baraayo macnaha huraadka oo waa wax la sii sheegay oo Masiixa kusaabsan. Waxaa kamid ah tan la yidhi markuu Masiixa sunida yimaado waxaa lo bixin doonaa huraadka madaxfurashada dembiyadeena. Xamdi wuxuu qaatay Kitaabka oo wuu furay. Isagoo aayado Axmed tusayo wuxuu yidhi, “Bal iska u arag sida huraadka Masiixa loo macnayay oo nabi Ishacyaah wuxuu qoray wax gaarayo 700 oo sanadood ka hore intuusan Ciise imanin.

‘Sida runta ah wuxuu xambaaratay xanuunyadeennii, wuxuuna qatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadguduyadeenna, waxaana loo nabareeyay xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciistiina waynu ku bogsannay. Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan. Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyay, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin.’ (Ishacyaah 53:4-7) (3)

Axmedas ayaa taabteen oo wuxuu yidhi, “Miyaad leedahay waxyaalahaan waxaa la qoray boqolaal sanadood ka hore dhalashada Ciisse, wiilkii Maryam?” “Haa,” ayuu ku jawaabay Xamdi. “Sida uu nabiga u qoray, waxay ahayd in Masiixu uu ka yimaado qoyska Nabi Da’uud (Nabi Dawoud). Da’uud oo nolaa kumaan sanadood Masiixa ka hor, ayaa bixinaya macnayn dhab ah oo kusaabsan wiilkiisa imaani doono, Masiixa dhimashadiisa uu iskutillaabta ku dhimani doona. Ku dhimashada iskutillaabta waxay ahayd mid tartiib loo dhimanayo oona xanuun badan. Mudo kadib lafaha kan saa lagu dilay iskooday u kala baxayaan, oo tan ka sodow wuxuu u dhimanaya haraad daran. Nabi Da’uud wuxuu qoray:

‘Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, oo qalbigaygii wuxuu naqday sidii shamac oo kale, oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga. Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada. Waayo, waxaa i hareereeyay eeyo, oo waxaa hareerahayga isku wareejiyay shirkii xumanfalayaasha, oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, oo iyagu way I fiiriyaan oo igu dhaygagan, dharkayga bay qaybsadaan, oo maradaydana saami bay u ritaan’ (Sabuurrada 22:14-18) (4)

Markuu Da’uud tan qorayay iskutillaab ku dilidda weli ma bilaaban. Mar dambe ayaa la bilaabay oo waxaa istecmaalaayeen Roomaanka wakhtigii Masiixa.”

“Marka waxaad I leedahay sii sheegiddaan oo dhan waxay ku idlaatay Ciise, wiilkii Maryam?” ayuu weydiyay Axmed. “Haa, oo ma ahan tan keliya, laakiin waxaa jiraan kuwa kale oo ku idlaaday Masiixa,” ayuu ugu jawaabay Xamdi.

“Masiixa naftiisa ayaa marar badan qirtay oo wuxuu sheegay inuu u imaaday inuu naftiisa madaxfurasho u bixiyo (fida) oo isaguba wax buu iska sheegay oo uu yiri:

‘Maxaayeelay, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.’ (Markos 10:45) (5)

Axmedow, Haatan miyaad fahamtay sida waxbarashada Ilaah oo kusaabsan huradka loo bixiyay dembiga dadka sida Kitaabka oo dhan looga arki karo iyo sida ay gidikoodba Masiixa ugu idlaadeen?” “Xamdiyow,” ayuu yidhi Axmed, “weligay ma aan maqlin tan. Waa wax la yaab leh, mar dhow ayaan kuula soo noqon doonaa su’aalo kale.” “Walaal, iga qaado Kitaabkan hadiyad ahaan,” ayuu yidhi Xamdi. “Ka bilow Axdiga Cusub meesha aad ka heli kartid nolosha Masiixa iyo wax kusaabsan muucjisooyinkiisa la yaabka leh iyo wax bariddiisa.”

“Waad mahadsantahay,” ayuu yidhi Axmed. “Wax badan baan maqlay kusaabsan ‘dadka buugta’ (ahl al-kitab), laakiin weligey ma aan akhrinin buuga. Waxaana aad u jeclahay inaan akhriyo wax baridda iyo muucjisooyinka Ciise, wiilkii Maryam.”

"Al-salamo Aleykom" (Nabadi ha kula jirto)

"Aleykom al-salaam" (adna ha kula jirto)

 

Dembiga

“Xamdi,” ayuu ku bilaabay Axmed isagoo taxadir leh, “ilaa iyo maalintii isku keen dambaysay, waxaan ka fikirayay Masiixa iyo siduu noloshiisa kafaragud ahaan ugu bixiyay dembiya bani-aadmiga. Laakiin waxaa jira hal shay oo aan doonayo inan ogaado. Dembigu (Al-khatiya) intee buu ka yimid oo sidee bay ku noqotay in bani-aadmiga oo dhan uu qabo dhibka dembiga? Miyaad macnayn kartaa taa?” ayuu cod sare ku weydiyay Axmed.

“Haa, waan u malaynaya,” ayuu Xamdi si taxdir leh ku jawaabay, laakiin waa inaan bilowgii ku soo noqonaa si aan u fahamno meeshuu dembiga ka yimid. Sharciga waxaan ka akhrinaynaa kadib markuu Ilaah dunida iyo bani-aadmi uumay, wuxuu bani-aadmiga dhex dejiyay jannada (janna) markay jannada galayeen, bani-aadmiga asli ayuu ahaa oo wuxuu Ilaah kula nolaa xiriir sax ah. Laakiin sidaadba ogtahay, wax baa dhacay oo taa oo baabi’isay noloshii jannada. Axmed, maxaa dhacay?” “Shaydaan baa yimid oo wax kasta baabi’iyay,” ayuu ku jawaabay Axmed. “Waa sax!” ayuu yidhi Xamdi. Ilaah wuu diiday in dadka ay ka cunaan midhta geedka wax garadka ee wanaaga iyo  xumaanta markuu Aadan ku yidhi:

‘Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.’ (Bilowgii 2:16-17) (1)

“Laakiin shaydaanku mas ahaan buu u yimid uuna jarrabay Aadan iyo Xaawo. Ma ay addeecin Ilaah oo waxay cuneen midhtii. Natiijada waxay ahayd mid bani-aadmiga burburin u keentay. Maadama uu dembi galay nolosha bani-aadmiga, qof kasta wuxuu noqday dambiile.

“Runtii qof kasta miyuu dembiile noqday?” ayuu weydiyay Axmed isagoo fikirad xun qabo. “Way igu adagtahay si aan ku aamino taas. Haddii ay run tahay, sidee buu qof kasta dembiile ku yahay?” “Bani-aadmiga wuxuu noqday uun sida midhta uu cunay,” ayuu yidhi Xamdi. “Wuxuu noqday wanaag iyo xumaan isku dhex qasmay. Maraqaarkood waxaad arkaysaa qof oo wax wanaagsan oo la yaab leh suubinaayo oo daqiiqadda kalena waxaad arkaysaa isagoo ku jira waxyaalaha nolosha ugu xun. Oo waxaa laga yaabaa inuu jirankiisa sir ku xado, daqiiqadda ku xigtana waxaad arkaysaa isagoo wax damcaya, isjacayl, ama wax yaala kaleyto oo la xiriira dembiga. Oo sedaad sheegtay Axmedow, dadka oo dhan waxay ladagaalayaan waa dhibkan. Quruun kasta waxay isku deyday inay sharci hagaajiso si ay u xukunto dembi kasta.

Tan ugu daran waxaa weeye dadka dembiilayaal uma aha sababta ay dembaabeen daraadeed, laakiin waxay u dembaabayaan maadama ay dembiilayaal yihiin. Waxay u egtahay inay jirto warshad yar oo dadka ku jirto taa oo bixinayso xumaanta iyo dembiga, soo uma eko?” ayuu yidhi Xamdi oo wuxuu Axmed ku dhaliyay weji su’aal leh.

“Iga raali ahaw haddaan ku idhaahdo sidaad bani-aadmi u macnaysay aad bay dhab u tahay. Runtii dadka waa wax la yaab leh oo ah wanaag iyo xumaan isku qasan.” Ayuu ku jawaabay Axmed. “Laakiin shaydaanku sidee buu meeshan u soo galayaa?”

“Waa yahay, waa dembiga aawadis sida uu shaydaanka awood ku helay inuu amro nolosha bani-aadmiga iyo bulshada,” ayuu ku jawaabay Xamdi.

“Kan mar tijaabiyay Aadan iyo Xaawo isla maanta sidaas ayuu suubinayaa. Weli dadkuu tijaabiyaa si aan ugu sii nolaano dembiga. Shaydanku wuxuu dadka kaga awood badiya dembiga maxaa yeelay, waa dembiga kan Ilaah naga soocayo. Dembi aawadis ayay dunida manta u tahay sida ay tahay. Ilaah wax kasta wuxuu u uumay wanaag, laakiin bani-aadmiga ayaa xumaanta kula gorgortamay shaydaanka oo u ogolaaday inuu dunida soo galo. Tusaalo ahaan waxaan arkaynaa inuu ku soo galay dagaalo, cadaadin, laakiin xaata xiriirka burburay iyo waxyaalo kale oo dadka dhibaato u keena nolashooda ayaa jiraan.”

“Marka ma waxaad i leedahay Ilaah saan ma noo uumin, laakiin dunidu waxay siday tahay u tahay dembiga Aadan awgiis?” Axmed wuu yaabay. “Jaw” ayuu ku jawaabay Xamdina. Dembigu wuxuu bani-aadmiga ku soo galay Aadan, sida qoraalka uu leeyahay:

“Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay.” (Rooma 5:12) (2)

“Natiijada ugu darnayd waxay ahayd dhimashada, xagga jidhka iyo weliba xagga ruuxaba” “Dhimashada xagga jidhka iyo xagga ruuxaba aa? Ayuu weydiyay Axmed oo wejigiisa su’aal ka muuqato. “Maxay tahay haddaba macnaha dhimashada ruuxa?”

“Waa yahay, Ilaah wuxuu ninka ku yidhi hadduu midhta cuno waa hubaal inuu dhiman doono,” ayuu ku bilaabay Xamdi. “Maxaa yeelay, Ilaah waa caadil oo markasta wuu ku ficil qadaya wuxuu eraygiisa ku yidhaahso, dhimashada waxay bani-aadmiga u soo gashay in dadka oo dhan ay dhintaan. Laakiin bani-aadmiga xaga ruuxana wuu ka dhintay markuu dembaabay.”

“Sidee bay taa ku dhici kartaa?” Axmed wuu ka jawaabay. “Waayahay, natiijada dembiga waxay ahayd in ninka jannada laga saaro,” ayuu ku jawaabay Xamdi. Waa laga saaray meeshuu Ilaah kula noolaa aslinimada, iin la’aan iyo xiriir wanaagsan. Waxay ku qasabtay in ninka uu kunolaado dibadda jannada. Ninku wuxuu xagga ruuxa uga dhintay markii uu noqday mid laga soocay Ilaaha nool oo Qoduuska ah dembigiisa awgiis. Oo saa darted waa dembiga iyo xumaanta tan bani-aadmiga Ilaah ka soocayso. Waa dembiga awgiis tan haatan nagu kaliftay inaan Ilaah toos xiriir ula lahaanin. Maadama uu Ilaah yahay asli iyo Qoduus, xiriir haba yaraatee mala yeelan karo dembi. Oo saa darted ayaan badbaadiye ugu baahannahay (monajy) inuu naga badbaadiyo wax alla wixii dembiga naga soo gaaray. Axmed, miyaad aaminsantahay in dembiyadaada oo dhan ay meel ku wada qoranyihiin?”

Axmed oo yara yaaban, ayaa ku jawaabay, “waan ogahay taas in labada malaa’igood ee qof kasta dabajoogaan ay qorayaan” “Ilaah wuu ogyahay wax kasta oo nagu saabsan,” ayuu yidhi Xamdi. “Ficil kasta oo wanaagsan iyo ficil kasta oo xunba. Eray kasta, fikir kasta, iyo niyad kastaba. Ilaah wax kasta way u qoranyihiin. Miyaad ogtahay dhinaca uu misaankaada u dhici doono maalinta xukunka (yow al-hisab)?”

“Maya, Ilaah keliya ayaa  ogani karo,” ayuu si tartiib ah Axmed ku jawaabay. “Ilaah wuu ku jacaylyahay, Axmedow. Ha ilowbin in wanka Ilaah, Ciise, wiilka Maryam uu qaaday dembiyadeena oo dhan. Wax kasta waa la saamixi karaa,” ayuu si qabooban ku yidhi Xamdi.

Axmed wuu yara fikiray dabadeedna wuxuu weydiyay, “Hadduu Masiixa aad muhim u yahay waa maxay sababta ay Aadan iyo Xaawo fursad ugu helin ay ku maqlaan isaga?”

“Miyaad i rumaysnaysaa hadii aan ku idhaahdo way maqleen Masiixa?” ayuu weydiiyay Xamdi. “Maya, uma malaynayo inay suurta gal tahay inay maqli kareen isaga,” ayuu ku jawaabay Axmed.

“Ilaah wuu jecel yahay dadka wuxuuna doonayaa inuu xiriir la lahaado dadka,” ayuu yidhi Xamdi. Oo waa saa darteed sababta uu ugu hadlay wax ku saabsan Masiixa bilowgii ugu horeyayba. Isla meeshan ay dhibaatadaan ku qabsatay, Aadan iyo Xaawo waxay heleen balan qaad in badbaadiye uu iman doono kan burburin doono awooda shaydanka oo dadka ka sareso. Oo Ilaah wuxuu kula hadlay Aadan iyo Xaawo shaydaanka oo maqlaya:

“Oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaada iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.” (Bilowgii 3:15) (3)

Kitaabka oo dhan markaan akhrinayno waxaan arkaynaa in wiilasha lagu magacaabo aabbahood, wiilkii Ibraahim, wiilkii Yacquub iyo wax u eg laakiin halkan waxaan arkaynaa in Kitaabka uu ka hadlaayo farcank naageed, oo ma ahan farcan nimeed. Waxay ahayd in  qof aan aabbo lahayn yimaado, laakiin wuxuu ahaa inanka naagta. Oo inankan wuu burburin doonaa awoodda shaydaanka ee ka saeyso bani –aadmiga, iyaadoo shaydanku uu isku deyayo isagoo mas ah inuu inanka naagta cedhibta ka qiniino. Tan waa jawda wixii dhacay markuu Ciise, wiilkii Maryan uu noloshiisa u bixiyay sida kafaarogudka dembiga bani-aadmiga .”

“Waan gartay,” ayuu yidhi Axmed. “Waa wax la yaab leh waayo, jaa Ilaah wuu kula sii hadlay dadkii ugu horeyay wax kusaabsan Masiixa. Haddana waay tusaysaa in dulucda Kitaabka oo dhan uu ku salaysanyahay ay tahay Masiixa. Waxaad I siiday waxyaalo badan oo aan ka sii fikiroilaa aan ka kulmayno wakhtiga dambe, Xamdi.

“Nabad hakula jirto” (Al-salamo aleykom)

“Adna hakula jirto” (Aleykom al-salam)

 

Wiilkii Ibraahim

“Aad baan u doonaya inaan wax barto,” ayuu yidhi Xamdi. Waxaan doonayaa inaan kaa ogaado waxaad u malaysid Injiilka (Al-Injiil). “Runtii waa buug ijaacib ah,” ayuu ku jawaabay Axmed iyadoy dhab ka tahay. “Wax u egba ma aanan akhrinin weligey. Akhriskiisa aad buu u xiiso leeyahay, waayo, waxaan ka arkay muujisooyinkii Masiixa si dheeraad ah. Iyo wax baridiisi buurta korkeeda (Wacdintii buurta) waa mid caadinimada ka weyn. Waxaa laga helayaa fafaahin dheer oo kusaabsan wuxuu leeyahay. Waxaa jiraan fikirado badan uu dariiqa ku duwaayo markuu na leeyahay aan jaclaano cadowyadeena oo aan u tukano kuwa na silciya. Oo weliba wax baridiisa kusabsan tukashada way ka duwan tahay wax alla wixii aan horey u maqlay.Waa inaan ogolaado in buuga aan aad ugu faidayo, laakiin isla markaasna waxay u egtahay inaan leeyahay su’aalo badan oo cusub isla sida aan jawaabo badan u helay.

“Wax la yaab leh baad sheegeysaa,” ayuu yidhi Xamdi isagoo yara qoslaayo. Bal aan ka bilowno su’aashaada kowaad.”

“Waa yahay,” ayuu yidhi Axmed, Injiilka muxuu uga bilaabanaya farcanka kabilaabato Ibraahim ilaa Da’uud iyo ilaa Masiixa?”

Kadib markuu mudo ka fikiray ayuu Xamdi weydiyay, “Miyaad xusuusata wixii aan horay ugu hadalnay, inaan nidhi Kitaabka waa buugag kala duwan oo na kala maarmin inay isku yaalaan mooyaane oo waxaan aragnay inay jirto hal duluc inay dhex socoto buuga oo dhan?”

“Haah, waan xusuusta,” ayuu ku jawaabay Axmed. “Miyaad xusuusataa dulucda waxay ahayd?” “Al-Masih (Masiixa),” ayuu ku jawaabay Axmed. “Jawaabta su’aashaada waxay ku tiirsantahay dulucdaas,” ayuu ku ydhi Xamdi. “Sida ay nabiyada qoreen, Masiixa waxay ahayd inuu noqdo wiilka Da’uud iyo weliba wilka Ibraahim.”

Axmed wuu ka fikiray wuxuu Xamdi u sheegay oo wuxuu ku yidhi, “waxaad sheegtay waa wax layaab leh, laakiin kistoo ma yara macnayn kartaa sii sheegidda kala duwan ee ay nabiyada sheegeen?” Markuu mudo yara dheer aamusnaaday Xamdi wuxuu yidhi, “Waxaa dhacday maalin laga joogo afar kun oo sanadood, in Ilaah uu la hadlay Ibraahim, kan loo yaqaano saaxibka Ilaah (khalil Allah). Waxay ahayd weli intuu Ibraahim naagtiisii hore qabay, oo Ilaah wuxuu isaga siiyay balan macna weyn u lahaani doonto bani-aadmiga oo dhan. Bal aan haatan ka akhrino sharciga ama qoraaladii Muuse oo waxaa qoran sidatan:

“Rabbigu wuxuu Ibraahim ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac. Oo quruun wen baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakadayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; oo waan barakadayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.” (Bilowgii 12:1-3) (1)

“Ilaah wuxuu u yeedhay nin aan ilma dhalin in kasta uu guur lahaa sanado badan. Ilaah wuxuu isaga ka balan qaaday dhul. Oo Ilaah wuxuu isaga ka dhigi doonaa quruun weyn. Magaciisana wuxuu noqonayaa mid caan ah. Waxyaalahaan oo dhan Ilaah si cadaan ah ayuu u idleyay. Laakiin tan ugu xusuuska badan waxay ahayd in Rabbiga dadka oo dhan ee dunida ku noolay Ibraahim ku barakoobi doonaan. Balantaan waxaa ku jirtaa balantii Masiixa. Oo dunida oo dhan isagay ku barakoobi doontaa. “Laakiin sidee baad ku ogaani kartaa in balantaas ay tahay Masiica oo ay eheen qof kale?” ayuu weydiyay Axmed oo yaabsan. “Waxaan dhihi karnaa way soo cadaanaysaa aayarkoo inta aan shanta buug uu Muuse qoray aan akhrinayno,” ayuu ku jawaabay Xambi. Wakhtigiiba Ibraahim wuxuu helay laba wiil,mid wuxuu ka helay islaantiisa Saharo oo lagu magacaabay Ishxaaq (Ishaq), oo mid kalena wuxuu ka helay adeegtadii Sahar oo la ydhaahdo Xaggar (Hajar), oo isaguna waxaa lagu magacaabay Ismaciil (Ismail). Oo in kasta uu Ilaah Ismaciil barakadeyay, ka hore intuu Ishxaaq dhalanin, in uu ydhi balantii Masiixa Ishxaq ku imanaysay way buuxsamaysaa markuu yidhi:

“Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magaciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara. Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeeg, isaga waan barakadeeyay, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa. Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isaxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xlligan oo kale.” (Bilowgii 17:19-21) (2)

“Haah, Ismaaciil kii uu Ilaah barakadeyay wuxuu noqday aabbahayna,” ayuu ydhi Axmed, laakiin inaga Mulinka ah waxaan ognahay in Ilaah uu soo diray rasuulladiisa inta badan iyo nabiya uuna ku soo diri doono farcanka Isxaaq.” Xamdi ayaa sii hadlay, “Isxaaq wuxuu lahaa laba wiil, Esau iyo Yacquub (Yaqob). Ilaah wuxuu cadeyay in balantii Masiixa ay ka imanayso Yacquub markuu isaga isku muujiyay oo uu riyo kula hadlay isagoo leh:

“Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowga Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga. Farcakaaduna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka , oo waxaad ku firdhi doontaa tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyio facankaagay qabiilooyinka oo dhammu ku barakoobi doonaan.” Bilowgii 28:13-14) (3)

“Waa mid xusuus leh in markuu Ilaah Yacquub la hadlayay uu ku celcelyay qaybo ka tirsan balantii hore ee Ibraahim laga balanqaaday,” ayuu yidhi Axmed. “Tan waxay saa u tahay maadama ay isla balantii farcanba farcanka kale u gudbinaayo,” ayuu Xamdina ku jawaabay, “Laakiin sidaadba arkaysid, Axmed, waxay ahayd in Ilaah uu Yacquub dunida oo dhan ku barakadeyo?”

“Haah, waxaan u malaynayaa in Masiixa uu mar kale cadayn doono inuu yahay dulucda ugu weyn ee Kitaabka ku jirto,” ayuu Axmedna ku jawaabay isagoo yara ilka cadaynaaya.

“Taas waa sax” ayuu yidhi Xamdi. “Carruurta Israa’iil waxaa ka tirsanaa qoys badan. Oo su’aashu waxay tahay in Ilaah uu qoyskan uu Masiixa ka dhalan doono ii in kale. Ilaah wuxuu xushay Da’uud (sayedna Dawoud) oo wuxuu la yeeshay balan isaga. Sii sheegidda inta badan waxaan arkaynaa in Ilaah uu tusaayo in Masiixa uu ka imani doono qoyska nabi Da’uud.

Nebi Ishacyaah, kan nolaa laba boqol oo sanadood Da’uud ka hore, wuxuu qoyska Jese u ekeysiyay sida kurtun geed. Da’uud aabbahiis waxaa la odhan jiray Jese. Qoyskaas waxaa ka imaani doono kan uu ruuxa qoduuska ah ku kor degi doono. Oo wuxuu hagaajin doonaa boqotooyada u eg jannada nafteeda, oo mid alla kii boqortooyadas ku jiro wuu ogaani doonaa Rabbiga. Ayuu Ishacyaah qoray:

“Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta, oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. Laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaausha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa feefta bushimihiisa. Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.” (Ishacyaah 11:1-2,4 iyo aayada 10aad) (4)

“Bal aan aragno inaan tan si sax ah u fahamnay iyo in kale” ayuu yidhi Axmed. “Ilaah wuxuu muujiyay in Masiixa uu ahaani doono wiilka Ibraahim, Isxaaq, Yacquub iyo Da’uud.” “Gaw!” ayuu ku jawaabay Xaxmdi isagoo aad u ilka cadaynayo.

“Oo markaan akhrino Injiilka waxaan arkaynaa in Masiixa uu ku dhashay sidii ay nabiyada u sii sheegeen. Waa sababtaa awgeed wuxuu Injiilka uga bilowmaayo farcanka. Oo waxay cadaynaysaa in runtii Masiixa uu yahay wiilka Ibraahim iyo Da’uud.” “Markalena waxaan arkaynaa in dulucda ugu weyn ee Kitaabka ay tahay Ciise, wiilkii Maryam,” ayuu yidhi Axmed. “Laakiin Xamdi waxaan hubaa inaad weli ka war haysid inaan weli leeyahay su’aalo badan. Laakiin waxaan u keedinaya wakhtigeena dambe.”

Al-salamo aleykom”(Nabad hakula jirto)

Aleykom al-salam.” (Adna hakula jirto)

 

Ilaah waa mid

“Maxaad arkaysaa” ayuu yidhi Axmed isagoo saddex farood kor u taagayo. “Waxaan arkaya saddex farood oo hal gacan kuyalaan” ayuu ku jawaabay Xamdi isagoo ilka cadaynayo. “Xamdi” wuu sii hadlay Axmed “miyaad rumaysantahay inuu Ilaah mid yahay ama saddex?” “Waxaa laga yaaba inaad fahamsanayn sida aan u aaminsanahay waxa aan aaminsanahay” ayuu yidhi Xamdi, laakiin waa inaad garataa inaan aaminsanahay Ilaaha runta ah oo keliya, oo ah kan uumay samada iyo dhulka, kan wax kasta suubin karo, wax kasta yaqaano oona jooga meel kasta. Waad ogtahay in iimmankaygu uu ku salaysanyahay Kitaabka, oo erayga Ilaahu wuu baraya in Ilaah uu yahay mid, Runtaan waxay Kitaabka kaga dhigantahay meelo badan.” “Laakiin Ilaah saddex ma uu noqon karo isla markaasna mid,” ayuu ku adkaystay Axmed. Haddan wuxuu kor u taagay saddex farood oo wuxuu yidhi, “hal kudar hal ookudar hal waxay noqonaysaa saddex oo ma aha hal.”

“Meeqa Axmed baad tahay adigu?”ayuu weydiyay Xamdi. “Ma mid baad tahay ama laba?” “Runti waxaan ahay mid,” ayuu yidhi Axmed. “Ilaah wuxuu kuugu uumay jidh iyo ruux,” ayuu yidhiXamdi. Jidhkaada ma Axmed baa?” ayuu weydiyay Xamdi. “Haa.”  “Laakiin ruuxaadana?” ayuu weydiyay Xamdi, “taas ma Axmed baa?” “Mm, haa way tahay,” ayuu yidhi Axmed, isagoo fahamsan wuxuu Xamdi dhihi doono. Oo Xamdi wuu sii hadlay, “Maxay u adagtahay in Ilaah uu noqdo saddex hal ku jirto markuu noo uumay laba hal ku jirto?” markuu yara aamusnaaday kadib Xamdi wuxuu yishi, “waxaan dhihi karnaa Ilaah waa isku jir aan la fahmi Karin kan iisu muujiyay saddex ruux. Waa yahaye, maxay noqonaysa haddii aan hal hal jer ku dhufano oo aan hal jeer ku dhufano oo aan hal jeer ku dhufano, Axmedow?”

“Hal,” ayuu ku jawaabay Axmed isagoo cod hoose ku hadlayo. Laakiin Ciise, wiilkii Maryam waa uu nin oo ma aha wiilka Ilaah.” Axmed wuxuu aad u fiirinayay Xamdi. “Xamdi, miyaad aaminsantahay in Masiixa uu yahay wiilka Ilaah?” “Maxaad u malaysaa inaan rumaysanahay?” ayuu wediyay Xamdi. “Ma hubi waxaad rumaysantahay dhabti” ayuu yidhi Axmed. “Laakiin waxaan u malaynaya inaad aaminsantahay in Ilaah uu Mariantii bikradda ahayd jidh ahaan ugu tegay oo waxay wada heleen wiil.”

“Astagfer Allah! (waxaan Ilaah ka codasanaya cafis),” ayuu ku dhawaaqay Xamdi. “Taasi ma aha waxaan rumaysanahay oo majiro mid Masiixa aaminsan oo saa rumaysan.” Axmedoo yaaban ayaa wuxuu weydiyay, “de maxaad rumaysantahay?” “Waxaan rumaysanahay in Ilaah uu yahay mid weligiisna jiro, oo wuu jiray weligiiba intaan waxba la uumin,” ayuu ku bilaabay Xamdi. “Markuu Injiilka macneynaayo kan uu yahay Masiixa kama bilaabanayso dhalashadiisa uu dunida ku dhashay, laakiin waxay ka bilaabanaysaa wixii sii jiray ka hore intuu Ilaah dunida uumin. Oo waxay ku qorantahay Injiilka:

“Bilowgii waxaa jiray Hadalka, Hadalkuna wuxuu lajiray Ilaah, Hadalkuna wuxuu ahaa Ilaah. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. Wax walba waxaa laga sameeyay waggiisa, oo wixii la sameeyay lama samayn isaga la’aantiis. Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.” (Yooxanaa 1:1-4) (1)

“Ilaah wuxuu dunida ku uumay eraygiisa, miyanay run ahayn?” “Haa, taas iida ah waa run. Oo Ilaah wuxuu yidhi “ha noqoto” oo way noqotay (kon fayakon) ayuu ku jawaabay Axmed. “oo runti saa daraadeed Ilaah wuxuu dunida ku uumay eraygiisa,” ayuu yidhi Xamdi. “Oo eraygan, ka imaaday Ilaah, wuxuu ahaa qayb ka tirsan Ilaah oo waxaa ka buuxay awoodda uunka Ilaah iyo wax kasta uu Ilaah ahaa. Waxaa ku jirtay nolol erayga Ilaah, oo meel alla meeshuu erayga joogay waxaa laga uumay nolol midib kasta leh.” “Haa, waan kuugu raacsanahay taa iida ah, laakiin maxay tahay dhabta erayadaan ‘eraygana wuxuu ahaa Ilaah’ macnaheeda?” ayuu weydiyay Axmed.

“Haddii aan maxakamadda sharciga ka marag furi lahaa, aniga iyo erayadayda ma kala xooci kartid,” ayuu yidhi Xamdi. Erayadayda ayaa ii hadlayaa oo qayb iga tirsan bay noqon doonaan. Markaan meeshaan fadhinno oo aan hadlayno, erayadeena waa qayb naga tirsan oo erayadeena ayaa na qaabilsan. Markuu Ilaah dunida uumay, erayga uu ku hadlay isaguu la mid ahaa. Oo runti Ilaah kama sooci karno eraygiisa. Erygan we4ligii jiray ee Ilaah, kan isaga la mid ah oo qabo dabeecadiihiisa oo dhan, waxaa lagu juujiyay Ciise, wiilkii Maryan, sida qoran:

“Hadalkuna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahaydammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.” (Yooxanaa 1:14) (2)

“Wax kasta uu Ilaah yidhi kusaabsan nafsaddiisa, dabeecaddiisa oo dhan, waxaa lagu muujiyay Masiixa. Ilaah waa Qoduus. Dadka markay arkeen sidduu Masiixa asli u ahaa, waxay isaga ka dhex arkeen qoduusnimada Ilaah. Ilaah waa ajacayl. Markay arkeen sidduu Masiixa dadka u jeclaa, waxay isaga ka dhex arkeen jacaylka Ilaah. Ilaah wuu awooda inuu suubiyo wax kasta. Wuxuu yahay kan awooda leh. Markay dadka sidduu Masiixa biyaga ugu kor socday, siduu duufaanka ula hadlay, siduu u demiyay dabeeshii iyo biyaha, sidduu roti u hagaajiyay, sidduu indhoolayaasha u boogsiyay iyo sidduu kuwa dhintay nafta ugu soo celiyay, waxay Ciise ka dhex arkeen awooda iyo sharafta uu Ilaah ka dhex muujiyay isaga.”

“Laakiin sidee buu Ilaaha meel kasta jooga ugu xadidnaan kara bani-aadan?” ayuu ku adkaystay Axmed. “Ilaah miyuu dunida hilmaamay markuu Masiixa ku jiray?” “Axmed,” ayuu yidhi Xamdi, “bal kaba soo qaad waxaan ku jirnaa bad aan dhamaad lahayn oo waxaan isku deyaynaa inaan galas biyo ah ku hoorino badda si aan biyo ugu buuxinno. Haddii aan biyahas kala saarno, waxaan arkaynaa in ay waxba ku kala downayn biyihii badda ku jiray. Waa isla sidaa haddii aan Masiixa eegno. Ilaaha weyn oo weligii jira wuu joogaa meel walba. Isla markaasna, wuxuu isku muujjiyaa Masiixa, isla dabeedadihiisi iyo awoodiisi isagoo leh. Laakiin Ilaah ma idlo maadama uu Masiixa isku muujiyay. Weli isagu waa mid aan idlaanin weligiis.

“Laakiin Ilaah bani-aadmi iskuma muujinaayo,” ayuu yidhi Axmed. “Sidee baan Ilaah u idlayn karnaa? Miyuusan awoodin inuu wax kasta iskiissa u suubiyo?” “mm, haa, wuu suubin karaa wax kasta,” ayuu ku jawaabay Axmed, “laakiin ma rumaysani kari inuu bani-aadmi isku muujiyay” “Waan isku raacsanahay in tan ay dhibaato nagu kicin karto inaga laakiin ay Ilaah dhibaato ku eheen, kan suubin karo wax alla wixii uu doono,” ayuu yidhi Xamdi. “Haddad weli ogaanin sheekada, maxaad dhihi doontaa hadduu qof ku hidhaahdo Ilaah wuxuu isku muujiyay duur gubanaayo oo wuxuu duurkaas kula hadlay Muuse?”

Axmed wuu yara fikiray intuu yara qoslay markuu fahmay inay ahayn wax adag in Ilaah uu bani-aadmi isku muujiyo ka badan intuu duur isku muujin karo.  Xamdi wuu sii hadlay, “Axmed, bal yara fikir in mudo ah, yaa weeye kan lagu magacaabay ‘erayga Ilaah’ iyo ‘ruuxa Ilaaha’ ( khalimat Allah wa roh Allah)? Haata ruuxa Ilaah wuxuu mid la yahay Ilaah. Waan ognahay in ruuxa Ilaah uu u huwiyay Maryantii bikradda ahayd oo way uuraysatay oo waxay dhashay Masiixa, sidey malaa’ig jibriil ugu sheegtay Maryan haddii aan akhrino Injiilka siduu Lukos 1:35 u qoray;

“Malaa’igti waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Qoduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sida darted kan qoduuska ah oo kaan dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.” (3)

 “Oo su’aasha waxay noqon kartaa yaa weeye kan dunida saan ku yimid oo keliya?” “Axmed, haddii aad dhaqtar ahaani lahayd wakhtigii Masiixa oo ay hooshaada ahaani lahayd inaad u qortid waraaqda dhalashada, Maxaad ku qori lahayd? Magaciisu muxuu ahaa?” “Waxaan u malaynaya inaan qori lahaa ‘Ciise wiilkii Maryan’,” ayuu yidhi Axmed. “Magaca hooyadana?” “Mm, taa waxay ahaani lahayd ‘Maryantii bikradda ahayd’,” ayuu ku jawaabay Axmed. “Haddana waxaan gaarnay magaca Aabbaha,” ayuu yidhi Xamdi isagoo yara ilka cadaynayo. “Runtii meeshaasna lama deyseen iyadoon waxba lagu qorin, maadama uu lahayn aabbo duniyeed,” ayuu yidhi Xamdi, “…ama waxaan is weydin lahayn, ‘intuu ka yimid? Waa maxay farcanka kan lagu magacaabay “erayga Ilaah” iyo kan Ruuxa Ilaah?” Maxay tahay tilmaanta lagu garan karo kan jannada ka yimid?’ Isaga naftiisa ayaa yidhi:

“Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degayoo dunida nolosha siiya. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii I rumaystaana ma harraadi doono weligiis. (4)

Anigu waxaan ahay kibista nool ee jannada ka soodegtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weeligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolodha dunida aawadeed. (Yooxanaa 6:33,35&51) (5)

Axmed, wuxuu u yidhi inuu jidkiisa u bixiyo kafarogudka bani-aadmiga oo dhan kan rotiga caadiga ah cunaa wuxuu helaa nolosha cadiga ah, laakiin kan cunaa rotiga Ilaah, kan ka yimid jannada wuxuu helaya nolosha ruuxeed, nolosha weligeed ah. Kan rumaysta Masiixa oo na isaga la qaybsadaa, wuxuu helaa nolo dherjinayso baahida iyo haraadka bani-aadmiga ay Ilaah u qabaa. Tan waa waxa aniga naftayda aan dareemay. Masiixa waa hadiyad kaaga timid xagga Ilaah Axmed.”

“Anigu taa iida ah diyar uma ihi haatan,” ayuu yidhi Axmed isagoo cod hoose ku hadlaayo. “Waxaa jiraan fikiraddo badan oo aan ka fikirayo. Haatan waxaan fahamsanahay inaan dhabti aan ka lunsanaa waxa kusaabsan fikiradda aan ka qabay sidaad Ilaah u rumaysantahay. Tartiib baan u fahmi hayaa sidaad u rumaysantahay Ilaaha weyno waaxidka ah iyo siduu Masiixa iskuugu muujiyay. Waad ogtahay inaan Masiixa ku jaclahay qalbigayga oo dhan, laakiin weli waxaan qabaa su’aalo badan oo jawaab u baahan. Laakiin wakhtiga dambe ayaan taa iida ah ka hadlaynaa. Soo ma ahan Xamdi?” “Waxaan sugaya wakhtigaas aan kulmi doono,” ayuu Xamdi ku jawaabay.

Al-salamo Aleykom (Nabadi hakula jirto)

Aleykom al-salam (Adna hakula jirto)

 

Ilaah iyo dadka

“Habeen iyo maalinba waxaan ka fikirayay wada hadalkeeni ugu dambeyay,” ayuu yidhi Axmed. “Ugu horeynti waxaad leedahay Ciise, wiilkii Maryan waa bani-aadmi. Haddana waxaad leedahay Ilaah wuxuu isku muujiyay isaga. Waxaan doonay kan dhabtii Masiixa uu yahay inaan ogaado.Ma run baa Masiixa waxaad ka dhigtay wiilka Ilaah isagoo eheen wax aan ka eheen wiilka Mariyan?”

“Axmed, jawaabta su’aashanwaa waa furaha nolosha weligeed ah oo Ilaah lalayeesho ka bilaabato halkan iyo nolosha weligeedba. Waxay noqonaysaa ‘shirk’ (inaan Ilaah qof la barbar dhigno) haddii aan Ilaah bani aadmi la barbar dhigno. Laakiin Kitaabka wuxuu baraya in Ilaah uu isku muujiyay baniaadi oo ma ahan sida kale. Kuligeenba waxaan ogolnahay in Masiixa uu ku dhashysida baniaadmiga caadiga ah. Sida nabiyada ay sheegeen, isagu waa wiilka Ibraahim, Wiilka Da’uud iyo wiilka Maryan. Laakiin sii sheegidii nebiyada ka hore intuu Masiixa dhalan, Ilaah wuxuu nabanaya inuu noogu imanayo Masiixa” “Miyaad ka waddaa in rasuullada iyo nabiyada Masiixa ka hore ay jaa ka hadleen wax kusaabsan in Ilaah naftiisa Masiixa lagu juujin doono?” ayuu weydiyay Axmed isagoo yaaban.

“Dulucda Kitaabka oo dhan waa Masiixa, oo ma aha inay naga yaabiso in Ilaah uu jaa runta muujiyay kusaabsan Masiixa isagoo nabiyada ku hadlayo,” ayuu yidhi Xamdi. “Bal I tus,” ayuu codsaday Axmed, “aad baan u jaclahay inaa arko.”

Xamdi wuu yara fikiray intuusan hadlin, “markuu Ilaah 700 oo sanadood dhaladhada Masiixa ka hore, u muujiyay nabi Miikaah in Masiixa uu ku dhalan doono magaalada Beytlaxam, oo haddana wuxuu cadayay in kan dhalan doono u jiray wakhti hore dhalashadiisa.

“Laakiinse adigu BeytlaxamEfraahaahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Isaraa’iil talliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.” (Miikaah 5:2) (1)

“Oo runtii Masiixa wuxuu ku dhashay magaalada Beytlaxam, sida ku qoran Injiilka:

“Yuusufna Galili ayuu ka cacay, oo magaaladii Naasaret ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa’uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa’uud, in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uuurka lahayd. Waxaa dahcay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen, waxayna umushay wiileedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.” (Lukos 2:4-7) (2)

Su’aashu meeshan ka dhalan karto waxay tahay waa ayo kan jiray ka hore intuusan dunida ku dhalan. Waan arkaynaa wuxuu naftiisa ku yidhi kuwa Yuhuudda ah markay wada hadal ku yeesheen Yerusaalem (Al-Qodos):

“Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyay inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku faxay. Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku hidhaahdeen, weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay? Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, Runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.” (Yooxanaa 8:56-58) (3)

“Waxaan ognahay in Ibraahim uu nolaa 2000 oo sanadood Masiixa ka hore.” Oo saa darted waxaan arkaynaa in Masiixa naftiisa uu ku dhawaaqi inuu jiray dhalashadiisa ka hore,” ayuu ydhi Xamdi. Laakiin intee baan ka arkaynaa nebiyada oo leh Ilaah wuxuu isku muujin doonaa Masiixa?” “Taas iida ah meelo badan bay ku qorantahay” ayuu yidhi Xamdi. Nebi Ishacyaah wuxuu ka hadlaya mid ka imani doono qayb yar meeshuu Ciise, wiilkii Marina ku karay. Wuxuu hagaajin doonaa boqotaaoyo weligeed jireyso, taas oo lagu garan doono nabadda Ilaah. Isaga naftiisan kan ahaani doono wiil uu dhalay Daa’uud, ayaa boqoyooyadaan weligii xukumi doono. Nebiyada waxay tilmaantaan Masiixa ku tilmaameen magacyo kala duwan oo isaga loo bixiyay:

“Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyay wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa kan yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xaagga leh, iyo Aabbaha Daa’imka ah, iyoo Amiirka Nabadda. Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa’uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo caqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.” (Ishacyaah 9:6-7) (4)

“Waxaan ognahay in magacadda Ilaah ay qofka siinayaan tilmaanta kusaabsan qofka iyo dabeecadahiisa. Haddaba, isagu waa ayo, Axmed, kan loo beciyay magacyadaan?” “Sabarkaan Masiixa oo ay nebiyada sii sheegeen ka hore intuusan dhalan waxay  I siin haysaa faham wanaagsan, “ ayuu yidhi Axmed. “Laakiin miyay sheegeysaa inuu Ilaahy u imaani doono dunida uu isaga naftiisa uumay?”

“Yooxanaa Babtiisaha (Yahya Abn Zakaria) wuxuu nolaa isla wakhtigii Masiixa,” ayuu yidhi Xamdi. “Waxaa isaga soo diray Ilaah inuu Masiixa jidka u sii hagaajiyo, si ay dadka u toobad keenan oo ay isaga u rumaystaan markii Yooxanaa la weydiyay kan uu isagu naftiisa ahaa iyo sababta uu Ilaah isaga u soo diray, wuxuu iyaga uga jawaabay nabi Ishacyaah wuxuu ka yidhi cutubka 40aad, meesha ay ku qorantahay:

“Waxaa yeedhaya mid qaylinay acodkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman, oo waxaa la muujinm doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna way wada arki doonaan, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.” (Ishacyaah 40:3-5) (5)

“Sawirka nebi Ishacyaah waxuu cadaynaysaa booqashada boqor sare. Waxay ahayd inay dadka isaga ugu dhisan jidad cusub oo toosan lamadegaanka. Laakiin waa ayo boqorkani booqasha u imanayo Axmed?” “Mm, sida nabiga uu sheegay, wa Rabbiga, Ilaaheena ah,” ayuu ku jawaabay Axmed isagoo cod hoose ku hadlaayo.

“Sawirka wuu sii cadaynaya” ayuu ku sii hadlay Xamdi “haddii aan horey u sii akhrino isla cutubkaas, meesha ay ku qorantahay:

“Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta sheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qqaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuuddah waxaad ku tidhaahda, War bal Ilaahiinna eega! Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xooga weyn, oo gacantiisa wax isaga ugu talin doonta! Bal eega, abaalgudkiisii wuu wadaa oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa. Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qun yar buu u hor kici doonaa.” (Ishacyaah 40:9-11) (6)

“Masiixa runti wuu u yimid sida adhijirka kuwa isaga rumaysan oo dhan. Oo isaga naftiisa wuxuu yidhi:

“Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.” (Yooxanaa 10:11) (7)

“Laakiin Axmed waa ayo kan sida uu nabiga sheegay ay tahay inuu adhijir ahaan u imaani doono?” “Waa inaan ogolaana in Rabbiga Ilaaha ah naftiisa uu na tusay,” ayuu ku jawaabay Axmed, isagoo hadaladii nabiga aad u luleen isaga.

Xamdi wuu sii hadlay, “sidaadba fahamsantahay, Axmed, sii sheegiddaan aad arkaysi o dhan oo ay nabiyada sii sheegeen waxay ku wada idlaadeen Masiixa, wiilkii Maryan. Ka hore intuusan Masiixa shalan, malaa’ig Jibriil ayaa Zakariah u timid kan ahaani doono aabbaha Yooxanaa Babtiisaha. Malaa’igta waxay u sharacay Zakariah inuu heli doono wiil iyo weliba shaqada qaaseed uu wiilkiisa qaban doono. Oo malaa’ig Jjibriil wuxuu tidhi:

“Waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Qoduuskaa. Reer bini Israa’iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa. Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta kku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.” (Lukos 1:15-17) (8)

“Sida Injiilka ku qoran waa ayo kan uu Yooxanaa Babtiisaha uu ka hor tegi doono, Axmed?”

“Rabbiga Ilaahooda ah,” ayuu ku jawaabay Axmed. “Markuu Yooxanaa Babtiisaha dhalanayay,” Xamdi ayaa sii hadlay, Zakariahwuu sii sheegay waxa kusaabsan isaga, wiilkiisa dhalan doono:

“Adigu, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga horiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid; Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah, Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta…” ( Lukos 1:76-78) (9)

“Axmed, ma arkaysaa in Yooxanaa sida uu nabe Ishaacyaah yidhi, Malaa’ig Jibriil iyo aabbihii Zakariah, waxy ahayd inuu Ilaah horago, oo kan imaan doonana waa Ilaah naftiisa?” “Haa, waan arkayaa taas oo waxaan u malayn karaa in waxyaalahaan oo dhan la xoojiyay kadib markuu Masiixa runti yimid,” ayuu yidhii Axmed isaga oy dhab ka tahay.

“Haah, waa run,” ayuu yidhi Xamdi. “Markay Marinatii bikradda ahayd Masiixa ku dhashay Beytlaxam, magaaladii Daa’uud, Malaa’igta Ilaah ayaa ku soo baxday adhijirka qaarkood meel magaalada ka baxsan oo waxay iyaga ku tidhi:

“Markaasaa malaa’igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. Waayo, manta waxaa magaalada Daa’uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.” (Lukos 2:10-11) (10)

“Cadaynta in Masiixa uu yahay Rabbiga aad buu Injiilka u xoojinaya. Oo isaga naftiisa wuxuu yidhi:

“Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.” (Yooxanaa 10:30) (11)

“Anigu mar horeba jacayl badan iyo xishmad waan u qabay Ciise, wiilkii Maryan,” ayuu yidhi Axmed, laakiin haatan waa marka ugu horeyso oo aan u malaynaayo macnaha guu ee kan uu yahay Masiixa iyo sababta uu dunida ugu dhashay. Runtii aad baad ugu mahadsantahay wadhtiga iyo tabarta aa qaadatay inay waxyaalahaan ii macnayso Xamdiyow.”

“Axmed, ayuu yidhi Xamdi uuna ku yidhi cod culus, Rumaysadka Masiixa, Ilaah wuxuu ku bixinayaa dembi dhaaaafka wax kasta iyo nolosha weligeed ah. Masiix naftiisa kan ka guulaystay dhimashada kana sara kiciyay kuwa dhintay ayaa leh:

“Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii I rumaystaa, in kasta uu dhinto, wuu noolaan doonaa. Kii kasta oo nool oo I rumaystaa weligtii ma dhiman dooono.. Waxan ma rumaysan tahay?” (Yooxanaa 11:25-26) (12)

“Axmed, miyaad doonaysaa inaad aqbashid hadiyadda Ilaah oo laguugu keenay rumaysadka aad Masiixa rumasanaysid?” “Haa, waxaan dareemayaa inuu hor taaganyahay uuna garaacayo iridayda haata xaalkan,”ayuu ku jawaabay Axmed isagoo ilin  indhahiisa ka daadanayso. “Sidee baan ku heli karaa hadiyaada Ilaah?” “Ma aha wax adag” ayuu ku jawaabay Xamdi. Erayadaada Ilaah ku bari. Qiro wax kasta. Ilaah wuu ogyahay wax kasta oo nagu saabsan runti. Hel dembidhaafka lagu helaayo kafaarogudka uu Masiixa kuugu furtay. Tuko si uu Ilaah noloshaada ku soo galo ruuxisa uun ku siiyo awoodda aad Masiixa ku raacdid sida xertiisa. Baryadaan ku bari magaca Masiixa. Isaga aya kafarogudkiisu noogu noqday dhedhexaadiyaha kuu dhexeeyo adiga iyo Ilaaha Aabbaha ah. Markaad rumaysatid Masiixa saan ku ogalaatid isagoo ah hadiyada Ilaah kaaga timid, muujido ayaa ka dhexdhacayso noloshaada. Baaybalka wuxuu leeyahay mar labaad baad dhalatay. Waxaad nolol cuxuub ka heleysaa Ilaah. Waxaad Ilaah la geleysaa xiriir cusub Masiixa awgii. Oo Ilaah wuxuu noqonaya Aabbaha adiguna waxaad tahay carruurtiisa, sid aku qoran Injiilka kusaabsan kuwa Masiixa rumaysta oo dhan:

“Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyay amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay…” (Yooxanaa 1:12) (13)

Markay tukadeen oo ay Ilaah u mahadnaqeen, Xamdi wuxuu qosol weyn ku yidhi “ku soo dhowow qoyska! Haatan, Ciise awgiis, waxaan wada nahay walaalo ku wada jiraan qoyska ugu weyn ee Ilaah.”

Sidee baan kuugu mahad naqaa,” ayuu yidhi Axmed oo ay farxad ka buusdo. “Ilaah u mahadnaq, oo maalin walba u mahadnaq isaga.” Ayuu ku jawaabay Xamdi.

“Waxaad raadisaa wadajirka kuwa kale oo raacsan Masiixa sida aad adigaba rumaysantahay. Haatan waad tukan kartaa tukashada uu Masiixa baray Xertiisa inay ku baryaan Ilaah: “Haddaba sidatan u tukada,

Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado. Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. Kibis maalin naagu filan, manta na sii. Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo jarrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin”. (14)  

Ticraac

Aayadaha laga soo xigtay Kitaabka qoduuska ah;
Axdiga hore© SIM, 1976
Axdiga Cusub © United Bible Societies, 1976, 1979

Haddii aad doonaysid inaad mowduucyada buugan lagaga hadlay Kitaabka qoduuska ah (Baybalka) ka akhrisatid waa kuwan aayadaha aad akhrisan kartid kuwa ka mid ah:

Wiilka Ilaah

(1) Rooma 6:23
(2) Yooxanaa 1:29
(3) Muujintii 3:20

Kafaaragudka Ilaah

(1) 1 Timoteyos 2:5-6
(2) Cibraaniyada 9:22
(3) Ishacyaah 53:4-7
(4) Sabuurrada 22:14-18
(5) Markos 10:45

Dembiga

(1) Bilowgii 2:16-17
(2) Rooma 5:12
(3) Bilowgii 3:15

Wiilka Ibraahim

(1) Bilowgii 12:1-3
(2) Bilowgii 17:19-21
(3) Bilowgii 28:13-14
(4) Ishacyaah 11:1-2, 4, 10

Ilaah waa mid

(1) Yooxanaa 1:1-4
(2) Yooxanaa 1:14
(3) Luukos 1:35
(4) Yooxanaa 6:33, 35
(5) Yooxanaa 6:51

Ilaah iyo baniaadmiga

(1) Miikah 5:2
(2) Luukos 2:4-7
(3) Yooxanaa 8:56-58
(4) Ishacyaah 9:6-7
(5) Ishacyaah 40:3-5
(6) Ishacyaah 40:9-11
(7) Yooxanaa 10:11
(8) Luukos 1:15-17
(9) Luukos 1:76-78
(10) Luukos 2:10-11
(11) Yooxanaa 10:30
(12) Yooxanaa 11:25-26
(13) Yooxanaa 1:12
(14) Matayos 6:9-13

 

Haddii ay jiraan wax codsi dheeraad ah ama buugag ama farimo kale oo luuqadda afka Soomaaliga ku dhigan waxaad ku soo codsan kartaa cinwaanka; sanduuqa boosto – 76001- 00508 Nairobi Kenya

Emaylka: cwn@alphanet.co.ke
Ama cwn@email.ro